Wiil dhalinyarada ah Kaide Gordon ayaa saxiixay heshiiskii ugu horeyay ee xirfadeed koox Liverpool .

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa 17 jirsaday Talaadadii, da’daas oo naadiyada loo oggol yahay inay heshiisyada noocaan ah inay sameyn karaan

Gordon ayaa kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay Liverpool markii uu ku soo bilowday kulankii Norwich City ee EFL Cup bishii hore wuxuuna dhameestay 90 -ka daqiiqo.

Qoraalka Reds ayaa lagu sheegay in da ’yarka uu yahay“ ciyaaryahan karti badan oo hibo leh.

Gordon wuxuu ku biiray Derby County isagoo sideed jir ah wuxuuna sideed sano ku qaatay kooxda magaaladiisa, isagoo hal kulan u saftay Championship xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa bishii Febraayo kula soo wareegtay lacag lagu sheegay £ 1m wuxuuna dhaliyay lix gool sideed kulan oo uu u saftay kooxda 18-jirada qeybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

Gordon ayaa la ciyaari doona kooxda xilli ciyaareedka cusub kooxda Jurgen Klopp , ka hor inta uusan ku biirin kooxda 23 jirada bilowga ololahan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here