Guul-darradii xanuunka badnayd ee xalay soo gaadhay Belgium ee iyagoo laba gool la hormaray uu ka daba yimid Faransiisku, saddexda goolna uu ugu beddelay, waxa u raacday arrin kale oo niyad-jab ah iyo murugo soo food saartay tababare Roberto Martinez, kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay Eden Hazard oo garoonka laga saaray qaybtii dambe.

Laacibkan ay dhaawacyadu ragaadiyeen ayaa daqiiqaddii 75aad joojiyey orodka, waxaanu iska dhiibay kubaddii uu hayey, kaddibna waxa uu bilaabay inuu garoonka ka baxo isagoo iska saaray calaamadda kabtanimada.

Martinez ayaa si degdeg ah ugu beddelay Leandro Trossard, waxaana uu kabtan Hazard fadhiistay kursiga kaydka laakiin ma jirin dhakhtar u tegay si uu u caawiyo.

Si kastaba, markii uu Romelu Lukaku dhaliyey goolkii ay ka diidday VAR daqiiqaddii 87aad, waxa Hazard u tegay midka mid ah dhakhaatiirta oo madaxa u salaaxay isagoo niyadda u dhisayay.

Inkasta oo aanay Belgium xaqiijin dhaawaca Hazard iyo inta uu le’eg yahay midna, haddana qaabkii uu ku baxay iyo sidii uu dareenkiisu ahaa  ayaa waxayy caddaynayaan inuu mar kale dhaawac soo gaadhay, kaas oo sii kordhinaya dhibaatadii uu marka horeba qabay.

Xiddigan oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey ka  tirsanaa Real Madrid, waxa uu la daalaa-dhacayaa dhaawacyo soo noqnoqday oo fursad u siin waayey inuu bandhig fiican muujiyo, waxaana xilli ciyaareedkan uu ku jiraa ciyaartoyda kaydka ah ee Los Blancos iyadoo laga doorbiday Vinicius Junior iyo Karim Benzema oo noqday lama-taabtaanka shaxda koowaad ee  Carlo Ancelotti.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here