Manchester City weeraryahankeeda Ferran Torres ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Barcelona marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

21 jirkaan ayaa dhaliyay seddex gool waxaana uu caawiyay hal caawin 7 kulan oo uu u saftay Citizens xilli ciyaareedkan, halka uu labo gool u dhaliyay Spain kulankii Italy semi-finalka UEFA Nations League Arbacadii.

Barcelona ayaa muddo dheer lala xiriirinayay weeraryahankan, warar kala duwan ayaana sheegayay in kooxda reer Catalan ay isku dayi karto inay amaah kula soo saxiixato bisha Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, Torres ayaa ku tilmaamay inuu u dhaqaaqayo Camp Nou kaliya “warar xan ah”, iyadoo xiddiga reer Spain uu ku raaxeysanayo Manchester.

“Had iyo jeer waxaa jira warar xan ah, maalin walba kun ayaa soo baxa,” ayuu Torres u sheegay Radioestadio noche . “Hadda waxaan ku raaxeysanayaa man city.

Torres ayaa dhaliyay 16 gool 43 kulan oo uu u saftay Man City tan iyo markii uu ka yimid Valencia bishii Ogosto 2020, waxaana weli u harsan afar sano si uu u sii wato qandaraaskiisa Etihad Stadium.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here