Andreas Christensen ayaa shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo waqti dheer ah oo uu ku sii joogayo Chelsea .

In kasta uu noqday xiddig muhiim u ah Thomas Tuchel inta lagu gudajiray 2021, Christensen waxaa uga harsan sagaal bilood qandaraaskiisa Stamford Bridge.

Si kastaba ha ahaatee, wada -xaajoodyo ku saabsan shuruudo cusub ayaa socday bilihii la soo dhaafay, xiddiga reer Denmark ayaa ka dhawaajiyay in ku dhawaaqista heshiiska cusub uusan fogeyn.

Isagoo la hadlayay TV3 Sport , 25 jirkaan ayaa yiri: “Way adag tahay in la sheego sida ay wax noqon doonaan.

“Waxaa jira hadal badan, ma dhihi doono wax badan, laakiin waxaan u maleynayaa inay u muuqato mid wanaagsan, waan ku faraxsanahay inaan joogo Chelsea”.

Christensen ayaa saftay 27 kulan tartamada oo dhan tan iyo imaatinkii Tuchel bishii Janaayo, taasoo ah horumar aad u weyn marka loo eego waqtigii Frank Lampard .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here