Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa helay taageerada agaasimaha kubadda cagta ee kooxda, xili qaar kamid ah taageerayaasha kooxda ay dhaliileen macalinka.

Waxaa jiray cabashooyin ka yimid qaar ka mid ah taageerayaasha Red Devils oo ku aadan in kooxdu ay qaab ciyaareed liita soo bandhigtay bilowgii xilli ciyaareedka.

Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League -ga oo laba dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha Chelsea – waxaana ka haray EFL Cup -ka West Ham United.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Manchester Evening News , agaasimaha kooxda John Murtough ayaa u sheegay kulan madasha taageerayaasha dhawaan: “Waxaan leenahay istaraatijiyad fog iyo kalsooni dhanka aan u soconno.

“Premier League waa mid ka mid ah horyaalada ugu tartamada badan adduunka – ciyaartooyda dibadaha ka yimid laakiin waxaan boqolkiiba boqol u taaganahay loolankaas.

“Waxaan aaminsanahay inaan heysano kartida iyo dabeecadda kooxda dhexdeeda si aan ugu guuleysano

“Ha ku mashquulin waxa lagu sheegay baraha bulshada, oo mararka qaarkood abuuri kara xamaasad iyo jahawareer.

Man United ayaa ku soo aaday fasaxa xulalka iyada oo 3 guuldaro la kulantay 6 -dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku jirto banaanka Young Boys ee champions League.

Solskjaer ayaa maamulayay Old Trafford tan iyo bishii December 2018, laakiin weli wax koob ah kuma qaadin kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here