AC Milan ayaa ku soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca Barcelona Samuel Umtiti , sida lagu sheegay warbixintii ugu danbeesay.

Xiddiga reer France ayaa lagu daray liiska suuqa kala iibsiga kooxda reer Catalan, oo dooneysay inay ka takhalusto xagaaga.

Umtiti ayaa bishii hore sheegay inuu diyaar u yahay inuu u dagaalamo booskiisa kooxda Barca, laakiin Ronald Koeman ayaan weli adeegsan 27 jirkaan xilli ciyaareedkan.

Calcio Mercato ayaa sheegeysa in Milan ay miisaameyso u dhaqaaqista Umtiti, islyagoo ku tilmaamay daafaca dhexe bartilmaameed kooxda Talyaaniga.

Everton ayaa sidoo kale lala xiriiriyay saxiixa Umtiti, iyadoo Rafael Benitez uu mudnaan gaar ah siin doono daafaca dhexe ee cusub suuqa Janaayo.

27 jirkaan ayaa u saftay Barcelona 132 kulan, isagoo kula guuleystay labo horyaal oo La Liga ah iyo seddex Copa del Rey.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here