Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa weeraryahanada ree England ee Dominic Calvert-Lewin iyo Ollie Watkins balse dhibaato kala kulmaysa sidii ay kaga soo qaadan lahayd Everton iyo Aston Villa. (Sun)

Manchester City, Chelsea iyo Man United ayaa ku tartamaya 16 sano jirka kooxda Stoke City ee Emre Tezgel oo lagu sifeeyay mid Harry Kane o kale ah. (Mail)

Kooxaha Premier League ayaa Bayern Munich kula biiri doona loolanka 18 sano jirka Florian Wirtz oo ka tirsan Bayer Leverkusen. (Fabrizio Romano)

Liverpool ayaa tixgelinaysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Fiorentina ee Dusan Vlahovic  kaddib markii ay bur-bureen wadahadaliisii heshiis kordhinta ee Viola. (Mirror)

Arsenal ayaa wali doonaysa saxeexa weeraryahanka Club Brugge ee Noa Lang walow ay AC Mlan wali xiisaynayso dhinaceeda. (Calciomercato, via TeamTalk)

Manchester United ayaa laga yaabaa inay iibiso mid ahaan Nemanja Matic ama Donny Van De Beek si ay ula saxeexato khadka dhexe ee West Ham United ee Declan Rice. (Express)

Borussia Dortmund ayay ka go’antahay inay kooxdeeda kusii haysato Erling Braut Haaland ilaa sanadka 2023. (Sport Bild – in German)

Juventus ayaa diyaar u ah inay dhagaysato dalabaadka laga soo gudbinayso 30 sano jirkeeda Aaron Ramsey. (Mail)

Barcelona ayaa suuqa January dhigaysa daafaceeda dhexe ee Samuel Umtiti, 27 sano jirkaas ayaan wali hal daqiiqo ilaa haatan xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga ka ciyaarin. (Sport – in Spanish)

Kooxaha xifaaltanku ka dhaxeeyo ee AC Milan iyo Inter Milan ayaa ku loolami doona 21 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda River Plate ee Julian Alvarez. (CalcioMercato)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here