Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Juventus ayaa diyaarisay € 30 million (£ 25m/$ 35m) oo ay ku doonayso xiddiga heerka caalami ee dalka Mareykanka Weston McKennie – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Paris Saint -Germain ayaa tixgalisay u dhaqaaqista Mohamed Salah suuqii soo aadan – sida laga soo xigtay Fabrizio Romano. Saxafiga reer Talyaani ayaa u sheegay Rio Ferdinand Youtube -ka Youtube -ka FIVE

Manchester City aysan damacsanayn inay iska dirto Raheem Sterling bisha Janaayo. Sida ay ku warameyso The Sun

Aston Villa ayaa kula biirtay Everton tartanka loogu jiro daafaca Stoke Harry Souttar, sida ay sheegtay Football Insider.

Mauro Icardi iyo Dusan Vlahovic ayaa ku soo laabtay shaqaashada Kooxda  Juventus, sida ay warinayso Gazzetta dello Sport.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Olympiacos Aguibou Camara ayaa ku jira raadaarka kooxda Liverpool, sida ay sheegtay SporTime .

Kooxda Barcelona ayaa heysata dooq ku aadan in Xidiga Divock Origi kala soo wareegto Kooxda Liverpool,  xidigan ayaana boos joogta ah ka heysa Kooxda Reds, Sport

Fabian Ruiz ayaa mar kale xiiso ka helaya Real Madrid,  Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain ayaa haatan ku sugan Talyaaniga isagoo ku sugan Napoli, sida ay ku warameyso El Nacional

Manchester City ayaa Barcelona weydiisan doonto Ousmane Dembele heshiis kasta oo ku lug leh Raheem Sterling.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here