Gool dhalinta Cajiibka ah ee Cristiano Ronaldo ayaa u muuqata mid aan wakhti dhaw joogsanayn.

Taasi waa fikirka Halyeeyga Premier League Alan Shearer kaas oo xiddiga reer Portugal ku taageeray in uu sii wado qaab ciyaareedkiisa fiican.

Tan ilaa markii uu ku soo laabtay Man United Ronaldo ayaa dhaliyay 5 gool 6 kulan tartamada oo dhan iyada oo 3 ka mid ah goolashaas ka yimaadeen premier League.

Laakiin Shearer iyo  Gary Lineker ayaa saadaaliyay in uu xiddigii hore ee Juventus dhalin doono 20 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Markaad fiiriso xirfadiisa, gaar ahaan waayihiisii ​​Man United, waxa uu ahaa xiddig tayo leh waxana aad arkaysay bilowgii”ayuu Shearer yidhi.

“Waxana uu heerkiisa gool dhalin u qaaday heer kale, goolal badan ayuu dhaliyay”.

Shearer ayaa ku jawaabay: ‘Waxaan u maleynayaa inaan ku saxsanaa inaan dhaho markii ugu dambeysay oo uu ku guuldareysto inuu dhaliyo 20 gool ama wax ka badan horyaalka hal xilli ciyaareed waa xilli ciyaareedkii uu ka tagay Manchester United 2009kii.

‘Aad baad u damaanad qaaday inaan dhihi lahaa 20 gool oo horyaalka ah.’

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here