Hargeysa (dalkaan) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Baatuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland, ayaa isna ka jawaabay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ugu baaqay reer Laascaanood inay ka dhiidhiyaan tallaabadii lagu soo masaafuriyey dadkii Soomaaliyeed ee ka soo jeeday dhanka koonfurta.

Batuun oo u jawaabayey Rooble ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay amniga dalka Somaliland, isla-markaana uu dhiigoodu kala qaalisan yahay dheeman.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukuumadda Soomaaliya looga baahan-yahay inay wax ka qabato dhiiga shacabka magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Rooble wax aan leeyahay haddii dhiiga dadka Muqdisho micno aanu kula laheyn Adiga Anaga dhiiga dadka Somaliland dheeman nagala qaalisan,” ayuu markale ku yiri qoraalka.

Dhinaca kale wuxuu Barkhad tilmaamay in ka xisbi Wadani ahaan ay aad uga xun yihiin masaafurinta dadkii laga soo saaray Laascaanood, gaar ahaan kuwa danta yar & dumarka.

“Dadka danyarta ah ee dumarka iyo caruurta ah ee dawladdu saartay marnaba Xisbi ahaan ma taageersanin wax dhaqanka, diinta iyo dawladnimada ku fiicanna may aheyn” ayuu yiri.

Somaliland ayaa horey jawaab rasmi ah uga bixisay hadalkii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyada oo nasiib darro ku tilmaamtay, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lagu yiri “Iyada oo ay ugu wacan tahay hadallo nasiib-darro ah oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka sheegay arrimo ku saabsan mas’uuliyadaha madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadda Somaliland waxay dareensan tahay inay ku khasban tahay inay sharaxaad bixiso,”.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu xog aan sal iyo raad toona laheyn ka bixiyey dadkii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood.

Si kastaba, Somaliland ayaa bilowday in deegaanadeed ay kasoo masaafuriso dadka kasoo jeeda koonfurta, waxaana go’aankan uu sameeyey qoysas ku noolaa maamulkaasi.


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here