Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay iibinta Donny van de Beek iyo Nemanja Matic si ay caawimaad ugu helaan lacagta ay kula soo wareegayaan Declan Rice .

Ole Gunnar Solskjaer ayaa aad u daneynaya inuu lasoo wareego qad dhexe si uu tartan dheeri ah u siiyo xidigaha sida Fred iyo Scott McTominay .

Sida laga soo xigtay Daily Express , Red Devils ayaa raadineysa inay lacag kaash ah ka hesho Van de Beek iyo Matic, kuwaas oo hoos uga dhacay dalabkii Old Trafford.

Van de Beek ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo United ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos joogto ah ka helo safka koowaad ee Solskjaer, ka dib markii uu £ 40m ugu wareegay xagaagii hore.

Dhanka kale Matic, wax ka yar laba sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa, Red Devils ayaana rajeyneysa inay iska iibiso 33 jirkaan ka hor inta uusan dhicin heshiiskiisa.

Van de Beek ayaa ka soo muuqday kaliya seddex ka mid ah 10 -kii kulan ee United ay ciyaartay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, halka Matic uu ciyaaray 7 kulan, isagoo ku soo bilowday seddex jeer.

Rice ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee Solskjaer, halka xiddiga qadka dhexe ee Leeds United Kalvin Phillips sidoo kale la rumeysan yahay inuu ku jiro raadaarkiisa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here