Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ‘miisaameyso fursadda’ ay ugu dhaqaaqi karto weeraryahanka Real Madrid Marco Asensio bisha Janaayo.

Reds ayaa la rumeysan yahay inay xiiso u muujisay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, laakiin tababaraha Los Blancos Carlo Ancelotti ayaa ka hor istaagay 25 jirkaan inuu ka tago kooxda.

Asensio ayaa dhaliyay seddex gool kulankii ay Real Madrid 6-1 kaga badisay Mallorca 22-kii September laakiin waxaa ku adkaatay inuu ka soo muuqdo kooxda caasimadda xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay ABC , xiddiga reer Spain ayaa ku soo laabtay ‘suuqa’, Liverpool ayaana ka fikireysa inay bilowdo u dhaqaaqistiisa marka suuqa kala iibsiga uu furmo.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Asensio uu ‘ka fikirayo’ mustaqbalkiisa Los Blancos, laakiin kooxda Jurgen Klopp ayay u badan tahay inay tartan kala kulmeyso kooxo badan oo ku aadan saxiixiisa.

Da’yarkii hore ee Mallorca ayaa dhaliyey 40 gool 22 kalena caawiye ka noqday 200 kulan oo uu u saftay Real Madrid tan iyo markii uu yimid Bernabeu bishii July 2015.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here