Xiddiga Bayer Leverkusen Florian Wirtz ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiso ka helayo kooxo badan oo Premier League ah, kuwaasoo ka fiirsan doona inay u dhaqaaqaan mid ka mid ah suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee weerarka, oo 18 jir noqday bishii May, ayaa isu muujiyey inuu yahay shaqsi muhiim u ah safka hore ee Gerardo Seoane 12kii bilood ee la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano , kooxaha Bundesliga Bayern Munich iyo sidoo kale ‘kooxo badan oo Premier League ah’ ayaa isha ku haya Wirtz, oo ku xiran Leverkusen ilaa Juun 2026.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in hore loola xiriirinayay Arsenal , Chelsea , Liverpool , Manchester City iyo Manchester United.

Aabaha Wirtz, Joachim Wirtz , ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in wiilkiisu jeclaan lahaa inuu sii joogo BayArena “labada sano ee soo socota” .

Da, yarkan oo haatan ka maqan xulka qaranka Germany intii lagu jiray fasaxii xulalka ee bishan ayaa si fiican ku bilowday ololaha cusub isaga oo dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale 8 kulan oo uu u ciyaaray Leverkusen.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here