Xulka qaranka Spain ayaa iska xaadiriyey finalka  tartanka UEFA Nations League kaddib markii ay 2-0 ku garaaceen toban ciyaartoy oo Talyaani ah, isla markaana soo afjareen rikoodhkii guul-darro la’aanta ee Italy.

Laba gool oo qaybtii hore uu u dhaliyey Ferran Torres ayaa Spain ka caawiyey inay waqti horeba xaqiijistaan inay u gudbaan finalka oo ay la ciyaari doonaan Faransiiska iyo Belgium oo Khamiista wada ciyaaraya midkooda soo gudba.

Daqiiqaddii 17aad ayaa kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Oyarzabal waxa shabaqa ku hubsaday Ferran Torres oo ka geliyey dhinaca bidix ee goolhaye Gianluigi Donnaruma oo is-tuuray laakiin gaadhi waayey kubadda, halka uu goolka labaadna ku daray waqtigii dheeraadka ahaa ee qaybta labaad.

Talyaaniga ayaa waxa goolka madiga ah u saxeexay Pellignini oo beddel kusoo galay, waxaana goolka oo kubbada u hordhigay Chiesa.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa inta badan ku dheelayay toban ciyaartoy iyadoo daqiiqaddii 42aad ee qaybta hore kaadh cas laga siiyey difaaca dhexe ee Bonucci oo la siiyey kaadhkii labaad ee digniin ah, kaddib markii uu gacantiisa daanka kaga dhuftay Sergio Busquets.

Guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 1-2  oo Xulka Spain guusha ku raacday

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here