Paul Pogba

Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu qandaraas cusub oo waqti dheer ah u saxiixo Manchester United , inkastoo ay xiiseynayaan Real Madrid iyo Paris Saint-Germain .

28 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan uga harsan wax ka yar 12 bilood, waxaana laga yaabaa inuu xagaaga dambe si bilaash ah uga tago Old Trafford haddii ay dhici weydo in la kordhiyo qandaraaskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, L’Equipe ayaa werineysa in Pogba uu u sheegay dadka ku dhow inuu doonayo inuu sii joogo Man United oo uu saxiixo heshiis cusub oo ku kacaya £ 400,000 toddobaadkii, taasoo ka dhigeysa inuu noqdo ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda Premier League.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in PSG ay diyaar u tahay inay u soo bandhigto xiddiga reer France mushaar dhan £ 510,000 toddobaadkii haddii uu xagaaga dambe si bilaash ah uga tago Old Trafford, halka Juventus ay sidoo kale xiiseyneyso inay dib ula soo saxiixato xagaaga 2022.

Man United ayaa rajeyneysa inay xalliso mustaqbalka Pogba ka hor ciidda Kirismaska , si kastaba ha ahaatee heshiiska labada dhinac ayaa hadda laga yaabaa in si dhaqso ah loo gaaro, marka la eego rabitaanka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester.

Pogba ayaa si fiican ku bilowday Ole Gunnar Solskjaer ilaa iyo haatan ololahan, isagoo diiwaangeliyay 7 caawin intii uu ciyaaray Premier League, waana in ka badan ciyaaryahan kasta.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here