Fiorentina ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iibiso Dusan Vlahovic bisha Janaayo, ka dib markii weeraryahanka uu diiday dalabkoodii ugu dambeeyay ee qandaraaska.

Milkiilaha La Viola Rocco Commisso ayaa bayaan uu soo dhigay website-ka kooxda ku sheegay inay ‘dalab muhiim ah’ u gudbiyeen xiddiga heerka caalami ee reer Serbia, taasoo ka dhigi lahayd ‘ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda’.

Si kastaba ha ahaatee, Vlahovic – oo weli labo sano uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan – ayaa go’aansaday inuu iska diido shuruuddan cusub iyadoo ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya inuu u dhaqaaqayo Premier League.

Manchester City , Manchester United , Tottenham Hotspur iyo Arsenal ayaa dhammaantood lala xiriiriyay 21 jirkaan, kaasoo Fiorentina ay hadda diyaar u tahay inay ku iibiso suuqa ugu dhow aduun dhan £ 76.5m (€ 90m), sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport .

Kooxda ka dhisan Serie A ee Juventus ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa Vlahovic, si kastaba ha ahaatee uma diyaar garoobin inay la jaan qaadaan qiimeynta Fiorentina ee ciyaaryahanka sababo la xiriira dhaqaala xumadooda.

Vlahovic ayaa dhaliyay 35 gool 92 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan La Viola, oo ay ku jiraan lix gool sideed kulan oo uu ciyaaray ololahan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here