Xulka qaranka Faransiiska ayaa u gudbay finalka tartanka Nations League iyagoo guul soo laabasho ah ka gaadhay Belgium oo laba gool kala  hormaray, isla markaana laga diiday gool saddexaad dhamaadkii ciyaarta.

Spain ayaa iska soo beddelay labada gool ee lagala hormaray, isla markaana gool saddexaad ku dartay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta.

Xulka qaranka Belgium ayaa la hormaray laba gool oo saddex daqiiqadood gudahood ay qaybtii hore ugu kala dhaliyeen Carrasco iyo Romelu Lukaku, kuwaas oo ka faa’iidaystay difaaca oo kala daadsanaa iyo goolhaye Hugo Lloris oo u muuqday inay hurdo haysay.

Laakiin Faransiiska ayaa qaybta labaad soo kabasho degdeg ah sameeyey, isla  markaana shan daqiiqadood ku dhaliyey laba gool, waxaana u kala saxeexay Karim Benzema iyo Kylian Mbappe, iyadoo uu goolka labaadna rikoodhe ahaa.

Xulka qaranka Belgium ayaa la yimid gool saddexaad, ciyaartana hoggaanka u qabtay xilli dhamaadka ay ka hadhsanaayeen saddex daqiiqadood oo kaliya, waxaana  u saxeexay Romelu Lukaku, hase yeeshee markii ay dabbaal-degga dhamaysteen ayay VAR go’aamisay in meesha laga saaro goolkaas oo uu OFFSIDE yahay.

Theo Hernandez ayaa waqtigii dheeraadka  ahaa ee lagu daray ciyaarta waxa uu Faransiiska u dhaliyey goolka guushu ay ku raacday, waxaanay sidaas France ugu gudbeen finalka Nations League oo ay la ciyaari doonaan Spain.

Shaxdii labada xul

FRANCE (3-4-1-2): Hugo Lloris; Jules Kounde, Raphael Varane, Lucas Hernandez; Benjamin Pavard, Paul Pogba, Adrien Rabiot, Theo Hernandez; Antoine Griezmann; Karim Benzema, Kylian Mbappe.

Kaydka: Moussa Diaby, Dayot Upamecano, Matteo Guendouzi, Benoit Costil, Wissam Ben Yedder, Anthony Martial, Mike Maignan, Jordan Veretout, Leo Dubois, Lucas Digne, Presnel Kimpembe, Aurelien Tchouameni.

BELGIUM (3-4-3): Thibaut Courtois; Toby Alderweireld, Jason Denayer, Jan Vertonghen; Timothy Castagne, Axel Witsel, Youri Tielemans, Yannick Carrasco; Kevin De Bruyne, Romelu Lukaku, Eden Hazard.

Kaydka: Alexis Saelemaekers, Hans Vanaken, Dodi Lukebakio, Dedryck Boyata, Michy Batshuayi, Arthur Theate, Koen Casteels, Charles de Ketelaere, Leandro Trossard, Thomas Foket, Simon Mignolet, Leander Dendoncker.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here