Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris Saint-Germain Leonardo ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ixtiraam darro kadib hadalkii uu ka yiri Kylian Mbappe .

22 jirkaan ayaa dhawaan xaqiijiyay inuu codsaday inuu ka tago PSG xagaaga waxaana si weyn loo filayaa inuu u saxiixo Los Blancos heshiis beeca xorta ah ee 2022.

Perez ayaa dhawaan sheegay inuu rajeynayo “wax walba in la xalin doono” ku biirista Mbappe bisha Janaayo, laakiin hadaladiisa si fiican ugama aysan dhicin Leonardo.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay L’Equipe , madaxa PSG ayaa yiri: “Tani waa tusaale kale oo ah ixtiraam la’aanta PSG iyo Mbappe.

“Xaqiiqdii, isla usbuucaas ciyaaryahan Real Madrid ah [ Karim Benzema ], ka dibna tababaraha Real Madrid [ Carlo Ancelotti ] iyo hadda madaxweynaha [Florentino Perez] ayaa ka hadlaya Kylian sidii inuu mar horeba iyaga ka mid ahaa. tani waa ixtiraam darro aanan u dulqaadan karin. ”

Mbappe ayaa ku furay xilli ciyaareedka 2021-22 afar gool iyo shan caawin 11 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan iyadoo ay sii xoogeysaneyso wararka la xiriira mustaqbalkiisa xiga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here