Lautaro Martinez ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo waqti dheer ah oo uu kula jiro Inter Milan .

Waqtiga ay kooxda heysata horyaalka Serie A ay u baahneyd inay sare u qaado dhaqaalahooda xagaaga, Martinez ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo San Siro.

Manchester City , Manchester United , Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood loo aqoonsaday inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay saxafiga Talyaaniga Fabrizio Romano , 24-jirkan ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Inter illaa dhammaadka ololaha 2025-26.

Romano ayaa soo jeedinaya in Martinez uu si rasmi ah u saxiixi doono qandaraaskiisa cusub, kaas oo la imaanaya mushaar kordhin weyn, toddobaadyada soo socda.

Weeraryahanka ayaa ku riyaaqay bilowgii xilli ciyaareedka isagoo dhaliyay shan gool lix kulan oo uu saftay horyaalka Talyaaniga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here