Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa si maldahan u sheegay in Los Blancos eegeyso heshiiska Kylian Mbappe marka la gaaro January.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa lagu soo waramayaa inay dooneysay inay qarash gareyso suuqa si ay ula soo saxiixato Mbappe, laakiin PSG ayaa diiday dalabkii ay u soo bandhigtay, xili weeraryahanka uu sii joogay dalkiisa hooyo.

Mbappe ayaa tan iyo markaas xaqiijiyay inuu codsaday inuu ka tago PSG xagaaga hore xilli ay xiiseyneyso Real, waxaana si weyn loo filayaa inuu dhameystiro heshiiska xorta ah ee Bernabeu xagaaga soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee, Perez ayaa si maldahan u sheegay in heshiiska uu ka horeyn karo heshiiska xidigan, isagoo u sheegay El Debate : “Janaayo waxaan war ka heleynaa Mbappe, waxaan rajeyneynaa in 1da Janaayo wax walba la xaliyo”.

Madaxa Real ayaa ku andacooday in Erayadayda si khaldan ayaa loo fasiray. Waxa aan idhi waa inaan sugno illaa sannadka dambe si aan war kaga maqalno, mar walba ixtiraama ayaa u haynaa PSG madama aan leenahay xiriir wanaagsan. ”

Mbappe wuxuu ku faanayaa afar gool iyo shan caawin 11 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan ololihii 2021-22 ilaa hadda sidoo kale wuxuu dhowaan qirtay inuu Neymar ku tilmaamay “qof xun”.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here