Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kula tartanto Real Madrid saxiixa Edinson Cavani xagaaga soo aadan.

34 jirkaan ayaa sii dheereystay joogitaankiisa Manchester United ilaa 2022 horaantii sanadkan laakiin waxaa la filayaa inuu macsalaameeyo Old Trafford dhamaadka ololaha haatan.

Cavani ayaa hore loola xiriirinayay inuu ku laaban doono Koonfurta Ameerika Boca Juniors, laakiin Real Madrid ayaa la rumeysan yahay in xiddiga heerka caalami ee reer Uruguay uu weli heysto wax badan oo uu ku soo bandhigo kubadda cagta Yurub.

Los Blancos ayaa loolan adag kala kulmi karta saxiixa Cavani, inkastoo El Nacional ay sheegtay in Barcelona ay sidoo kale dooneyso inay heshiis la gaarto weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Cavani uusan ku faraxsaneyn Man United ka dib imaatinka Cristiano Ronaldo taasoo keentay inuu hoos u dhigo dalabka, Barca ayaa laga yaabaa inay eegto inay weeraryahanka amaah kula soo saxiixato bisha Janaayo.

Cavani ayaa dhaliyay 17 gool tartamada oo dhan kooxda Ole Gunnar Solskjaer xilli ciyaareedkii hore laakiin weli ma uusan ka soo muuqan afar kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.
Edinson CavaniG

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here