Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester City iyo xulka England Raheem Sterling oo 26 jir ah (Mundo Deportivo)

Kooxda reer Catalan ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta xiddigii hore ee qadka dhexe ee reer Spain iyo halyeeyga kooxda Xavi, oo 41 jir ah, kaasoo ku saabsan inuu qabto xilka tababare Ronald Koeman. (90min)

Everton ayaa isku dayday inay la soo wareegto Donny van de Beek, oo 24 jir ah, kaasoo amaah uga yimid Manchester United xagaagii waxayna danaynaysaa inay xiddiga khadka dhexe ee Netherlands keento Goodison Park bisha Janaayo. (dailyMail)

Manchester United ayaa u aragta badalka Paul Pogba AC Milan iyo qadka dhexe ee reer Ivory Coast Franck Kessie oo 24 jir ah. (Calcio Mercato)

Inter Milan ayaa diyaar u ah inay soo noolayso xiisihii ay u qabtay daafaca garabka uga ciyaara Chelsea iyo Spain Marcos Alonso oo 30 jir ah (Tutto Mercato)

Manchester City ayaa ku guuleysatay loolanka loogu jiro saxiixa 24 jirka Villarreal iyo xulka Spain Pau Torres. (Metro)

Tottenham ayaa ceyrin karta tababaraha Nuno Espirito Santo xagaaga iyagoon bixin wax magdhaw ah haddii uusan u horseedin inay ku dhameystaan ​​lixda sare ee Premier League. (theathletic)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Poland ee Pogon Szczecin Kacper Kozlowski, oo 17 jir ah, kaas oo ay ku raad joogeen Liverpool, AC Milan iyo RB Leipzig, ayaa sheegay in uusan la dhicin “ku biirista kooxaha waaweyn xiligan”. (Sport Interia)

Tababaraha Everton Duncan Ferguson ayaa u tagay Stoke City iyo daafaca dhexe ee Australia Harry Souttar, oo 22 jir ah, iyadoo kooxda Toffees ay qorsheyneyso inay ka tagto xiddiga reer Colombia Yerry Mina. (thesun)

Monaco ayaa ku qiimaysay 21 jirka khadka dhexe ee reer France Aurelien Tchouameni, oo bartilmaameed u ah kooxaha Juventus iyo Chelsea, £ 34m (Calciomercato)

Juventus ayaa soo gabagabaynaysa heshiis ay ku kordhineyso 27 jirka weerarka uga ciyaara Argentina Paulo Dybala qandaraaskooda ilaa 2025. (Gazzetta dello Sport)

AC Milan ayaa diyaar u ah inay bilowdo wadaxaajoodyo ay ku kordhineyso qandaraaska tababare Stefano Pioli, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Football-Italia)

Tababarihii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa u muuqday inuu su’aal geliyay go’aanka tababaraha haatan ee kooxda, Ole Gunnar Solskjaer, inuu ku soo bilaabo weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo keydka kulankii kooxdu barbaraha 1-1 la gashay Everton. (theguardian)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here