Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tottenham ayaa u aqoonsatay weeraryahanka Paris Saint -Germain Mauro Icardi bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Manchester City ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro daafaca Villarreal Pau Torres – sida ay qortay Marca .

Liverpool ay mar kale wax ka weydiinaysa kooxda Bull Salzburg helitaanka ku aadan xidiga  Karim Adeyemi. Sky Deutschland

Fabrizio Romano ayaa werinaya in Andre Onana uu heshiis la gaaray Inter kaasoo u arki doona inuu si xor ah ugu biiri doono xagaaga 2022. Fabrizio Romano 

Jonathan David ayaa kamid noqday xidigaha ku biiray raadaarka kooxda Real Madrid sida ay qortay Fichajes

AC Milan ayaa diyaarineysa qandaraas cusub oo ay ugu tala gashay tababare Stefano Pioli, sida ay qortay Milan News .

Juventus ayaa dooneysa inay soo qaadato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic -Savic – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Tababaraha reer Belgium Roberto Martinez ayaa weli ku sii jira wararka xanta ah ee la xiriirinaya shaqada ugu sarreysa ee Barcelona. AS 

Barcelona ay kula biirtay kooxda ay xafiiltamaan ee El Clasico ee Real Madrid baacsiga loogu jiro weeraryahanka Man United ee Edinson Cavani. Wargayska El Nacional

Timo Werner ayaa, soo jiidanaya xiisaha afar kooxood ka hor suuqa kala iibsiga Janaayo. Weeraryahanka reer Jarmal ayaa ku adkaaday Chelsea, iyadoo Atletico Madrid, Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Juventus ay isku diyaariyeen inay lasoo wareegaan. sida laga soo xigtay Expess Sport , 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here