Memphis Depay ayaa ka jawaabay soo jeedintii ahayd inuu ka qoomameeyo ku biirista Barcelona xagaagan.

Kooxda reer Spain ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub, iyagoo badiyay kaliya seddex ka mid ah todobadii kulan ee furitaanka horyaalka La Liga halka laga badiyay labadii kulan ee group -yada Champions League .

Ronald Koeman, oo door weyn ka qaatay keenista Depay Camp Nou, ayaa haatan cadaadis lagu saarayaa inuu shaqadiisa sii wato kadib qaab ciyaareedkii liitay ee kooxda.

Laakiin Depay ayaa ku adkeysanaya in Barcelona ay soo kaban karto xaalada.

Markii la weydiiyay haddii uu ka qoomameynayo ku biiritaankiisa Barcelona , Depay ayaa u sheegay ESPN Netherlands : ‘Sidee igu weydiin kartaa taas?

‘Waa Barcelona. Uma maleynayo inaad fahantay sida ay u weyn tahay naadigan iyo waxa ay uga dhigan tahay ciyaaryahan haddii aad u guurto koox sidan oo kale ah. Waligey ma qoomameyn doono.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here