Addis Ababa (dalkaan) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Labada mas’uul ayaa marka hore  iska xog wareystay arrimo ku aadan xaaladda gobolka geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale labada dal oo daris wadaag ah ayaa Farmaajo iyo Abiy waxay kulankooda ku soo hadal qaadeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

War kooban oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah faahiyey muhiimadda kulanka dhex-maray Farmaajo iyo Abiy Axmed oo haatan saaxibo ah.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku suganmagaalada Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abby Ahmed oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Addis Ababa u tegay ka qeyb-galka munaasabadda caleema saarka Abiy Axmed oo markale loo dhaariyey xafiiska, wuxuuna ka jeediyey khudbad xasaasi ah oo hadal badan dhalisay, maadaama uu ka been sheegay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Itoobiya iyo Soomaaliya waxay ku raaxeystaan xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir saaxiibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is-ixtiraam, xiriir shacab-ka-shacab oo xooggan iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu yiri Farmaajo.

Soomaaliya iyo Itoobiya weligood ma yeelan xiriir wanaagsan, kahor Farmaajo iyo Abiy Ahmed, waana laba dal oo weligood caddaawad iyo loolan uu ka dhaxeeyey, tan iyo intii ay Ethiopia gumeysaneysay dhul Soomaaliyeed.

Si kastaba, Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan xukunkiisa ayuu ka badin waayey.


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here