Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo biirtay loolanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco ee Aurelien Tchouameni oo lagu qiimeeyo 34 milyan oo euro.

21 jirkaan ayaa sii wata inuu door muhiim ah ka ciyaaro kooxdiisa , isagoo dhaliyay labo gool 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Juventus iyo Chelsea ayaa labaduba loo saadaalinayaa inay u dhaqaaqaan Tchouameni xagaaga 2022, laakiin lama filayo inay noqon doonaan labada naadi ee ku loolamaya saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka France.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Liverpool ayaa sidoo kale isha ku heysa xaaladda Tchouameni iyadoo isha ku heysa bedelka Georgino Wijnaldum , Monaco ayaana xiddiga ku qiimeysa 34 milyan oo ginni.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Juventus ay dooneyso Tchouameni maadaama ay qorsheynayso inay iibiso Weston McKennie iyo Aaron Ramsey oo suurtogal ah inay ka tagaan.

Tchouameni – oo looga yeeray xulka France ee kulamada bisha October – ayaa ku faanaya shan gool iyo afar caawin 60 kulan oo uu xirnaa funaanadda Monaco, waxaana heshiiskiisa Stade Louis II uu dhacayaa 2024 -ka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here