Kylian Mbappe ayaa qirtay inuu doonayay inuu ka tago PSG kuna biiro Real Madrid xagaagii lasoo dhaafay.

Xiddiga reer France ayaa doonayay inuu ka tago PSG xagaagii, Los Blancos ayaana dalbatay xilli dambe suuqa kala iibsiga, inkasta oo aysan jirin wax ay ku heshiiyeen Real Madrid iyo kooxda haatan ee Mbappe.

“Haddii aan xagaagan bixi lahaa, waxaan ku biiri lahaa Real Madrid oo kaliya ,” Mbappe ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay L’Equipe iyo RMC .

PSG ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan Mbappe, waxayna horay u sheegeen inuusan si xor ah uga tagi doonin kooxda, taasoo walaac ku abuurtay.

“Marka uu madaxweynahaagu qof walba u sheego inaadan bixi doonin oo aadan lacag la’aan ku baxeynin, wax yar ayaad walwalsan tahay,” ayuu yiri Mbappe. “Waan welwelsanaa waqtigaas, ma doonayo inaan been sheego.

“Waxaan isweydiiyay waxa dhici doona haddii aanan lacag la’aan ku tegin, maxaa igu dhici kara? Laakiin waxay ahayd qaabkii ay iigu muujiyeen sida ay iiga go’an tahay. “

Dalabyada Real Madrid ma ahayn qarsoodi, weeraryahanka ayaana qirtay inuu dareemay waxoogaa niyad jab ah markii uu awoodi waayay inuu u dhaqaaqo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here