Bukayo Saka, Luke Shaw, Declan Rice iyo Ollie Watkins ayaa dhamaantood ka maqnaa tababarka England Talaadadii ka hor kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Andorra.

James Ward-Prowse ayaa markii ugu horreysay lagu sawiray St George’s Park ka dib markii uu bedelay Kalvin Phillips oo dhaawacmay, laakiin afarta ciyaaryahan ee la hadal hayo ayaa barnaamijkooda gaarka ah ku sameeyay qolka jimicsiga.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, maqnaanshaha afartani ma aha ‘walaac weyn’ Gareth Southgate ayaa kalsooni ku qaba in dhammaan 24 -ka xubnood ee kooxdiisa ay diyaar u noqon doonaan inay ka soo muuqdaan Andorra la Vella dhammaadka toddobaadkan.

Warbixintu waxay sheegaysaa inay ‘had iyo jeer qayb ka ahayd qorshaha’ Saka, Shaw, Rice iyo Watkins si ay uga shaqeeyaan taam ahaanshahooda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here