Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay sii waddo wadahadalada ay la leedahay Xavi si ay u noqoto tababarahooda xiga.

Madaxweyne Joan Laporta ayaa si cad u taageeray tababaraha haatan ee Ronald Koeman , inkasta oo ay jiraan arrimo la xiriira qaab ciyaareedka kooxda iyo natiijooyinka hadda jira.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddo dheer la sheegayay in Xavi uu qaban karo xilka tababarenimo ee Barcelona marka uu doono, taas oo Laporta uu u muuqdo mid raadineysa inuu dardar geliyo.

Sida laga soo xigtay 90 min , dhinacyada ay khuseyso ayaa si joogto ah uga wada hadlaya xiddigii hore ee qadka dhexe in lagu badalo Koeman.

41 jirkaan ayaa kooxda Qadar ee Al Sadd mas’uul ka ahaa tan iyo 2019, kooxdiisa ayaa ku guuleysatay horyaalkii ugu dambeeyay iyadoon wax guul darro ah la kulmin.

Si taa ka duwan, Barcelona ayaa fadhisa kaalinta sagaalaad ee La Liga waxayna la kulantay guuldarrooyin is xig xigay oo Champions League ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here