Liverpool waa inay Mohamed Salah siisaa “wuxuu doono” si uu u saxiixo heshiis cusub, sida uu qabo Jose Enrique.

Salah ayaa si qurux badan ku bilowday xilli ciyaareedkaan wuxuuna u dhaqaaqay lix gool oo Premier League ah ololahan isagoo si cajiib ah gool uga dhaliyay Manchester City axadii.

Dedaalka 29-jirka, oo sidoo kale uu ku jiray caawinta goolkii furitaanka Sadio Mane.

Liverpool ayaan si gaar ah u firfircoonayn suuqa kala iibsiga ee dhowaan, iyadoo Ibrahima Konate ay ku soo biirisay kaliya-daafac dhexe oo kaga soo biiray RB Leipzig-halka Georginio Wijnaldum uu beeca xorta ah ugu biiray Paris Saint-Germain.

Jose Enrique ayaa maamulka kooxda ku wargaliyay in sida ugu dhow heshiis uga saxiixaan xidiga Salah isagoo ku tilmaamay mid layaab ah marka la eego waxa uu sameenayo xiligan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here