Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Daafaca ree Ivory Coast ee Serge Aurier oo haatan xor ah kaddib markii ay Tottenham fasaxday xagaagii ayaa ku biiraya kooxda ree Spain ee Villarreal. (L’Equipe)

Claudio Ranieri ayaa kooxda Watford kula heshiiyay inuu noqdo bedelka Xisco Munoz oo shalay la caydhiyay, 69 sano jirkaas ayaa la filayaa inuu maanta heshiiskiisa saxeexi doono. (Sky Sports)

Manchester United guddoomiye ku xigeenkeeda Ed Woodward ayaa sheegay in kooxdu ay si buuxda u garab taagan tahay tababare Solskjaer oo hal guul ka keenay afartii kulan ee ugu dambeeyay. (Mirror)

Manchester City ayaa daawanaysa 19 sano jirka kooxda Barcelona ee Nico Gonzalez. (Fichajes)

Sergi Roberto  ayaa ah xiddig kale oo Barcelona ah oo ay Man City isha ku hayso iyadoo heshiiska 29 sano jirkaas ee Barca uu dhacayo xagaaga dambe. (Calciomercato)

Borussia Monchengladbach da’yarkeeda Luca Netz  ayaa ku dooday inuu dalab maalayacni ah oo ay Man City kasoo gudbisay saddex sano kahor diiday, 18 sano jirkaas ayaa sheegay in markale xataa haddii kooxdaasi ay soo dalbato uu diidi doono. (Sun)

Yaya Toure ayaa adeegiisa u bandhigay kooxdiisii Barcelona oo wakhti adag ku jirta balse lama hubo midka 38 sano jirkaasi door ciyaaryahan iyo door tababare doonayo. (Sun)

Bayern Munich weeraryahankeeda Joshua Zirkzee oo 20 sano jir ah ayaa sheegay inuu diiday fursad uu Everton ugu biiri karayay 2017-kii. (Liverpool Echo)

Fiorentina agaasimaheeda Joe Barone ayaa sheegay in kooxdu ay samaynayso dedaal badan si ay heshiis cusub uga saxeexato Dusan Vlahovic oo heshiiskiisii hore 2023 dhacayo. (Football Italia)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here