Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea iyo Manchester City ayaa ka mid ah noqday kooxaha doonaya xidiga Christopher Nkunku, sidoo kale Real Madrid, ayaa liiska ku jirta Foot Mercato .

Xiddigii hore ee Barcelona Ilaix Moriba ayaa ka mid ah xidigaha RB Leipzig ee isha ku heyso kooxda Real Madrid sida ay sheegtay Defensa Central.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay sii xoojiso xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie, sida ay sheegtay Calciomercato .

Barcelona, ​​ ayaa weli wadahadalo kula jirtaa Xavi sidii uu u noqon lahaa tababarahooda cusub. sida laga soo xigtay 90min ,

Monaco ayaa diyaarisay € 40 million (£ 34m/$ 47m) oo ay ku doonayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Aurélien Tchouaméni – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Liverpool iyo Bayern Munich ayaa labaduba ku loolamaya saxiixa weeraryahanka RB Salzburg Karim Adeyemi sida ay qortay Daily Mail .

Inter uma badna inay hesho koox iibsatga xidiga Alexis Sanchez bisha Janaayo-sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Barcelona ayaa u aqoonsatay garabka Manchester City Raheem Sterling bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Kylian Mbappe ayaa qirtay inuu u sheegay Paris Saint-Germain inuu doonayo inuu baxo bisha July iyadoo la soo warinayo inay xiiseyneyso Real Madrid. Goal

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here