Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay ku garaacdo Manchester City iyo Liverpool saxiixa xiddiga Red Bull Salzburg Benjamin Sesko .

18 jirkaan ayaa durbadiiba iska dhigay inuu yahay xiddig muhiim u ah weerarka kooxda heysata horyaalka Austria, isagoo diiwaangeliyay 7 gool iyo seddex caawin 16 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Bilowgii wacnaa ee Sesko ee ololaha ayaa ku kasbaday inuu xiriir la yeesho Man City iyo Liverpool, laakiin sida laga soo xigtay AS , Real Madrid ayaa sidoo kale baadi goob ugu jirta xiddiga reer Slovenia.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Los Blancos ay u aragto Sesko inuu yahay bedelka ku habboon Karim Benzema , iyadoo xiddiga reer France uu noqon doono 35 sano sannadka soo socda waxaana la filayaa inuu noqdo wakiil xor ah sannadka 2023.

Si kastaba ha ahaatee, Real ayaa weli loo maleynayaa inay qorsheynayso inay u dhaqaaqdo Erling Braut Haaland iyo Kylian Mbappe , iyadoo Mbappe uu xaqiijiyay inuu codsaday inuu ka tago Paris Saint-Germain horaantii xagaagan.

Sesko ayaa qandaraas kula jira Salzburg ilaa 2026 wuxuuna durba u saftay shan kulan xulka qaranka Slovenia.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here