Paris Saint-Germain ayaa diiday in Kylian Mbappe ku biiro Real Madrid suuqii xagaaga ee 2021, go’aankaas oo ay qaadatay kooxda reer France inkastoo uu codsaday inuu ka tago Parc des Princes.

Intii lagu jiray suuqa kala iibsiga oo dhan, Mbappe ayaa ka aamusnaa aritan, laakiin hadda wuxuu bixiyay go’ankiisa xiligaasi.

“Waxaan codsaday inaan tago, laga bilaabo waqtigaas, ma aanan dooneynin inaan cusbooneysiiyo,” Mbappe ayaa u sheegay Jerome Rothen RMC Sport wareysi si buuxda loo daabici doono Talaadada.

“Waxaan doonayay in kooxdu ii aqbasho kala iibsiga aniga si ay u helaan xoogaa lacag ah oo ay u raadsadaan beddel tayo leh.

“Waxaan u sheegay xilli hore si ay kooxda awood ugu yeelato inay ka falceliso, rajadaydu waxay ahayd inaan labadeenuba ka faa’iideysanno oo aan helno heshiis wanaagsan.

“Ma aanan jeclayn aaminaadda ah in wax la qaban doono usbuuca ugu dambeeya ee Ogosto, waxaan u sheegay kooxda dhammaadkii July inaan doonayo inaan tago.

“Booskaygu waa cad yahay

“Laakiin, waxaan xushmeeyaa kuwa kooxda waxaan kaloo u sheegay‘ Haddii aadan rabin inaan tago markaas waan joogi doonaa ’”.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here