Goolhayihii Talyaaniga ee Daniel Leone ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 28 jir, toddoba sannadood  kaddib markii lag adaaweeyey xanuun maskaxda kaga dhacay.

Daniel Leone oo lagu tilmaami jiray goolhaye cajiib ah oo hibo badan, ayaa sannadkii 2014 waxa uu dib ugu soo laabtay garoomada kaddib qalliin lagu guuleystay oo madaxa lagaga sameeyey, kaas oo uu kaga caafimaaday xanuun maskaxda kaga dhacay.

Laakiin sannadkii 2017 ayaa lagu qasbay inuu ka fadhiisto ciyaaraha iyadoo ay kooxihiisii hore ee Reggina iyo Catanzaro uu xilligaas u ciyaarayay.

Sababta loogu qasbay inuu ciyaaraha ka fadhiisto ayaa waxay ahayd inuu dib ugu soo noqdo xanuunka maskaxdu, waxaana intii ka dambaysay lagula tacaalayay daawooyin, waxaanu si joogto ah dadka kaga xidhan bartiisa bulshada ee Instagram uu ula wadaagi jiray sida xaalkiisu yahay.

Maanta ayaa la gaadhay waqtigii dhamaadka noloshiisa, waxaana uu geeriyooday xilli uu jilcay oo uu xanuunku ka awood batay.

Talyaaniga ayay dadka ciyaaraha xiiseeyaa ka dareemayaan murugada geerida ku timid goolhaye Daniel Leone oo loo arkayay inuu noqon karayo mustaqbalka xulka.

Christian Puggioni oo isaguna ah goolhaye ay u wada ciyaari jireen Reggina ayaa qoraal qiiro leh kusoo daabacay bartiisa bulshada, waxaana uu ka sheekeeyey sida ay u taabatay dhimashada Daniel Leone oo ay waqtiyo badan soo wada qaateen.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here