Garoonka Anfield ayaa xalay dab ka kacay sida ay sheegeen booliska magaalada waxana ka danbeeyay Saddex Qof oo goor dhow la xiray.

Iyadoo la xiriirta dhacdooyinkii ka hor ciyaarta, Booliska Merseyside ayaa bayaan ku yiri:

“Abaare 3.05pm, sedex nin ayay saraakiishu cadeeyeen inay ka danbeeyeen dabka aagga Anfield Road, oo midkood la tuuray, oo aan geysan wax khasaare ah ama dhaawac ah.

“Dhammaan waa la xiray waxana lagu xiray xabsiga.”

Bayaanka ayaa lagu sheegay in la xiray nin 38 jir ah, 35 jir ah, iyo nin 19 jir ah.

Kaaliyaha taliyaha bilayska Rob Carden ayaa yiri: “Jawaab deg deg ah oo ay bixiyeen saraakiisheena waxay sababtay in la xiro saddex qof iyo in lala wareego holaca ay wateen qaar kuwaas oo sababi kara dhaawacyo halis ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here