Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa in uu wali bartilmaameed u yahay kooxda Barcelona .

xili uu ka harsan yahay wax ka yar laba sano qandaraaskiisa Etihad Stadium, Sterling ayaa waqti badan ku qaatay kursiga keydka sida uu ku soo galay safka hore.

Marka la fiiriyo waqtiga uu haatan ciyaarayo, waxay u muuqataa mid aan dhici karin in xiddiga reer England uu heshiis cusub ugu saxiixi karo kooxda heysata horyaalka Premier League.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain , Barcelona ayaa sii wadata la socoshada xaaladda iyadoo rajaynaysa in xaaladdooda dhaqaale ay soo hagaagto mustaqbalka.

In kasta oo ay hadda xayiraad ku yihiin suuqa kala iibsiga iyo La Liga, haddana kooxda reer Catalan ayaa weli lala xiriirinayaa xiddigo badan oo magac leh.

City ayaa laga yaabaa inay ku adkaysato soo jeedin ku lug leh Ansu Fati haddii Barcelona ay u dhaqaaqdo Sterling sannadka 2022.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here