Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Valencia Goncalo Guedes ayaa lagu soo waramayaa in uu u soo muuqday bartilmaameedka suuqa ee kooxaha Arsenal iyo Liverpool .

24 jirkaan ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu u wareegayo Wolverhampton Wanderers xagaaga ka hor inta kooxda West Midlands aysan ugu dambeyn sii haynin adeega Adama Traore .

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Portugal ayaa u muuqda mid weli ku jira raadaarka kooxaha kala duwan ee Premier League ka dib markii uu ku bilowday ololaha cusub ee La Liga isagoo dhaliyay labo gool iyo labo caawin.

Fichajes ayaa sheeganeysa in Arsenal iyo Liverpool ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan haddii Valencia ay doorato inay sare u qaado arrimahooda maaliyadeed iyagoo iibinaya xidigooda muhiimka ah.

Guedes waxaa uga harsan qandaraaskiisa labo sano, waa dhacdo ku qasbi karta Los murcielagos inay tixgeliso dalabyada inta lagu jiro suuqa Janaayo.

Haddii ay Valencia ku sii jirto tartanka ku laabashada Yurub iyada oo loo marayo natiijooyinkooda La Liga, iib kasta ayaa dib loo dhigi karaa ilaa xagaaga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here