Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (dalkaan) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd u amba-baxay magaalada Baraawe ee caasimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Rooble ayaa ka hor inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha Adan Cadde kormeeray howsha ka socota gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in saaka madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isna gaaray Baraawe, si uu magaallo xeebeedkaas ugu soo dhoweeyo Rooble.

Ujeedka socdaalka ra’iisul wasaaraha ee Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay inuu la xariiro u kuur-gelida xaaladaha magaaladaasi, maadaama ay ka mid tahay magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka oo dhowaan bilaabanaya.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay Baraawe iyo deegaanada ku xeeran, si loo xoojiyo amniga magaaladaasi.

Shalay sidoo kale Baraawe waxaa gaaray wafdi kale oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle oo gogol xaar u ah safarka Rooble ee magaaladaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horey u booqday gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo kormeer ku sameeyey xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolkaasi.

Si kastaba, Rooble ayaa haatan dadaal xoogan ku bixinaya qabsoomida doorashooyinka billowday ee dalka, waxaana gaba-gaba maraya doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here