Guushii ay Paris Saint-Germain ku bilaabatay ololihii Ligue 1 ayaa soo gabagabowday markii 2-0 guul daro ah kasoo gaartay kooxda Rennes,

Xidigaha kala ah G. Laborde iyo F. Tait ayaa sabab u noqday in Taako loo dhigo xawaaraha PSG ee horyaalka kuwaasi oo aan laga badin kulmadii Ligue a1.

Daqiiqadii 45aad ee ciyaarta ayay Rennes u suura gashay qabashada hogaanka waxana hogaanka u dhiibay Gaëtan Laborde iyadoo qeybta hore lagu kala nastay goolkaasi

bilowga qeybta labaad Rennes ayaa hogaanka sii dheereesatay waxana goolka labaad u dhaliyay Flavien Tait Daqiiqadii 46aad ee ciyaarta.

Mbappe ayaa gool uu dhaliyay looga diiday offside, Lionel Messi ayaana ku dhawaaday laad xor ah, isagoo birta ku dhuftay, laakiin PSG ma aysan helin wax fursad ah oo ciyaarta bar-baro kaga dhibto. guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0.

Natiijo ahaan PSG ayaa hogaanka horyaalka sii heysa iyadoo leh 24 dhibcood halka Rennes ay fadhiso kaalinta 7aad ee horyaalak faransiiska.

Maxaa xiga?

PSG ayaa martigalineysa Angers bisha Oktoobar 15. halka Rennes ay u safri doonto Metz marka ay ku soo laabtaan garoomada kadib fasaxa labada toddobaad ah.

Shaxda lagu soo bilaabay ciyaarta

Rennes XI: Martin, Gomis, Laborde, Tait, H.Traore, Bourigeaud, B. Meling, Aguerd, Terrier, W. Omari, K. Sulemana

Subs: R. Salin, Guirassy, Santamaria, L. Badé, A. Truffert, L. Assignon, M. Abline, L. Tchaouna, L. Ugochukwu

PSG XI: Messi, Di Maria, Verratti, Gueye, Neymar, Marquinhos, Kimpembe, Mbappe, Donnarumma, Hakimi, Nuno Mendes

Subs: Wijnaldum, Navas, Herrera, Danilo Pereira, Paredes, Rafinha, Icardi, Kehrer, Diallo

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here