Liverpool ayaa Garoonkeeda Anfield ku soo dhaweesay Kooxda Manchester City kulan ku soo dhamaaday barbaro 2-2 oo halis la galshay Kooxda City.

Liverpool ay ku bilaabatay qaab aanan Feecenyn xili City ayaa ku fiicneyd qeybtii hore ee ciyaarta taasoo keentay in dhoor fursad hesho City.

Liverpool ayaa soo kabsatay iyadoo ay hogaanka qabatay markii Sadio Mane uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 59aad ka dib baas uu ka helay Mo Salah, kaliya Foden ayaa si dhaqso ah u barbareeyay 10 daqiiqo kadib.

Gool aad u qurux badan oo uu dhaliyay Salah ayaa u soo celiyay Liverpool Hogaanka Daqiiqadii 76aad, Xidiga De Bruyne ayaana mar kale barbaro ka dhigay daqiiqaddii 81aad guud ahaan Kulanka ayaa ku soo dhamaaday 2-2.

Labada kooxood ayaa ugu dambayn ku qasbanaaday inay hal dhibic ka helaan ciyaar aad u wanaagsan, iyadoo Ruben Dias uu gool ka badbaadiyay Fabinho dhamaadka ciyaarta.

Shaxda Ciyaarta lagu soo bilaabay

Liverpool XI: Milner, Henderson, Matip, Alisson, Salah, Van Dijk, Mane, Fabinho, Robertson, Jota, Curtis Jones

Subs: Firmino, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Joe Gomez, Naby Keita, Tsimikas, Kelleher, Konate, Neco Williams

Man City XI: Walker, De Bruyne, Cancelo, Laporte, Ederson, Grealish, Ruben Dias, Bernardo, Jesus, Rodri, Foden

Subs: Carson, Fernandinho, Mahrez, Sterling, Ake, Stones, Z. Steffen, Ferran Torres, C. Palmer

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here