Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa doonaya inuu sare u qaado hormarka Stamford Bridge isagoo ku rakibaya siddeed kamaradood oo ku dhegan agagaarka xaruntooda tababarka Cobham.

Sababta Macalinka u dalbaday ayaa ah in uu hormariyo Tababarka Kooxda iyadoo la eegayo qaabka tababarka iyo Qaladaadka dhacay inta uu tababarka socdo waxaa kaloo Macalinka u baahanyahay in Kaamirooyinka ku Xiran Darooniska lagu soo daro.

Naadigu wuxuu dalbaday oggolaansho qorshayn si uu u hirgeliyo farsamadii ka caawin lahayd inay ciyaartooyda loogu Xiro Kaamirooyin.

Blues ayaa haatan hogaanka u heysa horyaalka Premier League laakiin Tuchel ayaa doonaya inuu hubiyo inay ku socdaan wadada ay ku xaqiijin lahaayeen hanashada horyaalka ka dib markii ay durbadiiba ku guuleysteen Champions League xilli ciyaareedkii hore.

Waraaqaha codsiga ayaa durba loo gudbiyay Golaha Degmada Elmbridge wakiilka qorshaynta Nancy Stuart ayaana yiri: ‘Naadigu wuxuu hadda raadinayaa inuu hagaajiyo xarumaheeda isagoo kaamirooyin ku rakibanaya dhowr meelood

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here