Real Madrid weeraryahankeeda Karim Benzema ayaa sheegay in Kylian Mbappe uu u sheegay inuu u ciyaari doono Los Blancos maalin un.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa lagu xamanayay inay diyaarineyso dalab £ 197m oo ay ku dooneyso Mbappe maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa ku sii negaaday dalkiisa kadib markii Paris Saint-Germain ay hakad gelisay u dhaqaaqistiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaa hadda la filayaa inuu beeca xorta ah ugu biiro Real xagaaga 2022, Benzema ayaana sheegay in ninka ay dhalashada wadaagaan uu mar hore u ballan qaaday inuu u dhaqaaqi doono.

Benzema oo la hadlaya L’Equipe ayaa yiri: “Kylian Mbappe wuxuu ku biiri doonaa Real Madrid maalin uun, waan hubaa, ma garanayo goorta, laakiin wuu imaan doonaa, waa arrin waqti uun ah, isaga qudhiisa ayuu yiri”.

PSG ayaa la rumeysan yahay inay isku diyaarineysa inay lasoo wareegto Erling Braut Haaland ka hor tagitaanka Mbappe inkastoo Mino Raiola lagu soo waramayo inuu doonayo in xidiga Norwegian u helo 43 milyan £ sannadkii.

Mbappe ayaa ku bilowday xilli ciyaareedka 2021-22 isagoo dhaliyay afar gool iyo seddex caawin sideed kulan oo Ligue 1 ah, taasoo wadar ahaan wadar ahaan gaarsiisay 136 gool iyo 66 caawin 181 kulan uu u saftay PSG.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here