Pep Guardiola ayaa kaarka digniinta ah loo taagay qeybtii labaad ee kulankii Manchester City ay barbaro 2-2 ah la gashay Liverpool isagoo soo dhaafay diilinta loogu talagalay.

Tababaraha ayaa carooday markii James Milner laga badbaadiyay jaale labaad inkastoo uu qalad ku galay Bernardo Silva.

Guardiola ayaa dhowr daqiiqo ku qaylinayay caawiyaasha garsoorayaasha  ka hor inta aan loo sheegin inuu fariisto.

“Waa kaar huruud ah” ayuu Guardiola oo la hadlay Sky Sports . “Waa wax iska cad, waa Anfield, waa Old Trafford, xaaladeena ciyaaryahan ka tirsan kooxda City ayaa casaan la siiyay, way cadahay, waxay ahayd jaale labaad”.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa u sheegay Sky Sports dhankiisa haddii Milner uu nasiib u yeeshay inuu garoonka sii joogo: “Pep wax yar ayuu ka carooday arrintaas.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here