Jurgen Klopp ayaa amaanay goolkii cajiibka ahaa ee uu Mohamed salah ka dhaliyay kooxda Man City Axadii isaga oo ku tilmaamay mid heer caalami ah.

Weeraryahanka ayaa dhex maray daafaca City ka hor inta uusan kubad adag oo cag jilicsan dhinac ka dhigin Ederson si uu Liverpool uga faa’ideysto Anfield. inkastoo Kevin De Bruyne uu bar-bareeyay kana dhigay 2-2.

Waxa uu ahaa kulankii toddobaad oo toos ah dhammaan tartamada oo dhan isagoo gool dhaliyay, taas oo la mid ah goolashiisii ​​ugu dheeraa ee Reds.

“Ma ahan goolkii ugu horreeyay [Mo Salah] oo sidan oo kale dhaliyo,” ayuu Klopp ku yiri idaacadda BBC 5Live.  “Waxaan u maleynayaa in kulankii Napoli iyo Tottenham ay ahaayeen goolal la mid ah laakiin waa heer caalami , Allaha muxuu yahay ciyaaryahan, wuxuu u dhigay goolkii koowaad Sadio isagana wuu dhaliyay”.

Jordan Henderson ayaa u sheegay  MOTD2 : “Waxay ahayd wax cajiib ah. wuxuu dhulka dhigay ciyaartoyda Man City, waana dilaa. Nasiib darrose ma ahayn kulan aan guul gaarnay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here