Daafaca dhexe ee Barcelona Gerard Pique ayaa qirtay in kooxdiisu ay dhibtoonayso laakiin ay tahay inay sii waddo dagaalka si ay uga gudubto dhibaatooyinkooda.
Thomas Lemar iyo Luis Suarez ayaa dhaliyay goolasha iyadoo Atletico Madrid ay 2-0 ku garaacday Barcelona habeenkii Sabtida ee La Liga ee Wanda Metropolitano.

Kooxda reer Catalan ayaa haatan kaliya badisay mid ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, iyadoo la kulantay saddex guuldarro, oo ay ku jiraan guuldarrooyinkii Bayern Munich iyo Benfica ee Champions League.

Pique ayaa sheegay in Barcelona ay saddex saacadood oo kale ku qaadan karaysay inay shabaqa soo taabtaan kulankii Atletico ee ka dhacay caasimadda laakiin aysan awoodin inay horumar gaaraan.

“Waxaan ku bilaabanay si wanaagsan, waxaan ahayn geesiyaal, [markaas] Waxay dhaliyeen laba gool oo aad u yar, wixii markaas ka dambeeyay, waxay nagu qaadan laheyd seddex saacadood in aan gool dhalino” Pique ayuu u sheegay wariyeyaasha.

“Arrintu waa adag tahay. Way murugsan tahay. Waan rafaadsan nahay.

Tababaraha kooxda Ronald Koeman ayaa lagu soo waramayaa inuu sii ahaan doono hogaamiyaha kooxda ugu yaraan seddexda kulan ee soo socota Valencia, Dynamo Kiev iyo Real Madrid, kuwaas oo dhamaantood ´lagu ciyaarayo Camp Nou kadib fasaxa xulalka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here