Kooxda Espanyol ayaa Caawa guuldaradii ugu Horeysay ee Horyaalka dhadhansiiyay Kooxda Real Madrid kulan ku soo dhamaaday 2:1.

Labo gool ay kala dhaliyeen Xidigaha kala ah Raul de Tomas iyo Aleix Vidal ayaa sabab u ahaa in Real Madrid la kulanto guuldaradii ugu horeysay ee Horyaalka La Liga.

Ciyaaryahankii hore ee akadeemiga Real Raul de Tomas ayaa hogaanka u dhiibay Espanyol ciyaar ay kasoo qeyb galeen 25,000 kun oo taageere ah daqiiqadii 17aad halka ciyaaryahankii hore ee Barcelona Aleix Vidal uu sii xaqiijiyay guuldarada Carlo Ancelotti isagoo shabaqa soo taabtay Daqiiqaddii 60aad ee Ciyaarta.

Karim Benzema ayaa rajo siiyay Real isagoo dhaliyay gool soo daahay laakiin Espanyol ayaa difaacatay goolka labaad, iyadoo guuldaradii labaad oo xiriir ah la kulantay Real ka dib markii ay guuldarro kala kulmeen Sheriff Champions League Talaadadii.

Natiijo ahaan Real Madrid ayaa ku jirta Kaalinta 1aad ee Horyaalka iyadoo 17 dhibcood la wadaagta Kooxda Atletico Madrid.

Shaxda Ciyaarta lagu soo bilaabay.

Espanyol XI: Diego Lopez, Cabrera, Aleix Vidal, Gomez, Raúl de Tomás, Darder, Adri Embarba, K.Bare, Pedrosa, Melendo, Óscar Gil

Subs: Dídac , Wu Lei, D.López, Vadillo, Dimata, Manu Morlanes, Moron, Álvaro García, Melamed, Joan García, Gori

Real Madrid XI: Modric, Benzema, Kroos, Alaba, Courtois, Nacho, Vazquez, Valverde, Militao, Vinicius, E. Camavinga

Subs: Hazard, Casemiro, Jovic, Vallejo, A. Lunin, Miguel Gutiérrez, Rodrygo, Luis López

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here