Roberto Martinez ayaa xaqiijiyay inuusan wax xiriir ah ka helin Barcelona , sida lagu sheegay warbixin ugu danbeesay.

Tababaraha Barca Ronald Koeman ayaa ku dhow inuu waayo shaqadiisa Camp Nou ka dib guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Benfica Champions League Arbacadii.

Tababaraha Belgium Martinez ayaa lala xiriirinayaa booskaas , iyadoo ay weheliyaan tababarayaasha sida Xavi , Thomas Tuchel iyo Antonio Conte .

Si kastaba ha ahaatee, Mirror ayaa ku warameysa in Macalinka reer Spain uusan wax xiriir ah ka helin Barca.

“Waxba ma jiraan – mana jirin wax xiriir ah oo aan la sameeyay Barcelona,” ayuu yiri Martinez. “Waxaan rabaa inaan fuliyo qandaraaskeyga, laakiin waxyaabo badan ayaa laga yaabaa inay soo baxaan.”

48 jirkaan ayaa qandaraaska uu kula jiro Belgium wuxuu soconayaa ilaa Koobka Adduunka ee 2022, laakiin wuxuu u muuqday mid u furan fikradda ah inuu baxo haddii fursad sax ah la helo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here