Luke Shaw ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka Premier League ee Sabtida maanta, xilli uu laacibkaasi kasookabanayo dhaawac muruqa ah oo kasoo gaadhay ciyaartii Sabtidii hore ee Aston Villa  ay guul-darrada 1-0 u xambaarisay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyey in Luke Shaw uu xanuun dareemayay toddobaadkan dhamaaday, waxaana uu booskiisa ka ciyaarsiiyey Alex Telles ciyaartii Champions League ee Arbacadii ay 2-1 kaga badiyeen Villarrea, waxaanu difaaca reer Brazil dhaliyey goolka barbarraha.

Jimcihii ayuu Shaw kusoo laabtay tababarka kooxdiisa oo uu si dhibaato la’aan ah u qaatay, taasina waxay keentay in lagu soo daro liiska ciyaartoyda balse waxa go’aan laga  gaadhi doonaa daqiiqadaha ugu dambeeya haddii uu kusoo bilaabaan doono iyo haddii kale.

“Luke wuxuu dareemayaa fiicnaan, toddobaadkii horena wuu xanuunsanayay,dhaawac na wuxuu ka qabay garabka. Waxa aanu go’aan ku gaadhnay in aanu kusoo darno kooxda.” Ayuu yidhi Solskjaer.

Manchester United waxa dhaawac kaga maqan oo aan ciyaartan taam ahayn kabtan Harry Maguire iyo Marcus Rashford oo tababarka la qaadanayay kooxda maalmihii ugu dambeeyey laakiin aan wali si buuxda taam u noqon kaddib qalliin lagu sameeyey bishii August.

Xiddigaha Man United ee kulanka Everton

Goolka: David De Gea, Dean Henderson, Tom Heaton

Difaaca: Raphael Varane, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka, Eric Bailly, Alex Telles, Diogo Dalot

Khadka dhexe: Bruno Fernandes, Paul Pogba, Jadon Sancho, Fred, Scott McTominay, Donny van de Beek, Nemanja Matic, Juan Mata

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here