Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa barbarro la gashay Everton oo martig ugu ahayd garoonka Old Trafford xilli kooxda martida ah laga diiday gool dhamaadkii ciyaarta.

Manchester United ayay natiijadani u noqonaysaa in shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada ay laba mar oo kaliya guuleysatay, waana natiijo aan farxad gelinayn jamaahiirta, sidoo kalena dhaawac ku ah hammigooda xilli ciyaareedka.

Anthony Martial ayaa Manchester United  hoggaanka u dhiibay dhamaadka qaybta hore, isagoo shabaqa dhex-dhigay kubbad awood badan oo uu goolhaye Pickford tiigsan kari waayey, laakiin Towsend ayaa ka jawaabay oo qaybta labaad saxeexay kubbad uu kasoo shaqeeyey Garay, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 1-1.

Manchester United oo ciyaartii ugu dambaysay ee horyaalka isla garoonkeedan ay kaga badisay Aston Villa ayaa waxa haddana u raacday barbarraha Everton, halka Arbacadiina uu Cristiano Ronaldo u dhaliyey daqiiqaddii u dambaysay goolkii guusha ee Villarreal ay kaga badiyeen isla garoonkoodan.

Red Devils waxay leedahay 14 dhibcood, waxaanay labadii kulan ee ugu dambeeyey iska  khasaarisay shan dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Everton oo ay ka siman yihiin dhibcaha.

Shaxda ciyaarta lagu soo bilaabay

Man Utd XI: Cavani, De Gea, Lindelof, Varane, Fred, Shaw, Martial, Bruno Fernandes, Wan-Bissaka, McTominay, Greenwood

Subs: Ronaldo, Matic, Alex Telles, Pogba, Lingard, Bailly, Dean Henderson, Van de Beek, Sancho

Everton XI: S. Rondón, Townsend, Allan, Digne, Pickford, Doucoure, Godfrey, Keane, Mina, Gray, Gordon

Subs: Lonergan, A. Begović, Gbamin, J.Kenny, Tom Davies, Holgate, J. Branthwaite, L. Dobbin, C. Whitaker

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here